Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dhibaatooyin daryeel xumo ah oo soo wajahdey Shacabka ka qaxay Xaafada Baraxley

$
0
0

Shacabka Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo oo u qaxay tuulooyinka Koonfurta uga beegan Magaalada ayaa daryeel xumo lagasoo sheegayaa.

Wariye u shaqeeya Puntlandi ayaa xaqiijinaya in Shacabka Xaafada Baraxley ay qarka u saaran yihiin gaajo iyo biyo la’aan.

Tuulooyinka ay Dadku u qaxeen waa kuwo awalba la daalaa dhacayay Abaaro iyo biyo yaraan, Waxaana hada soo buux dhaafshey Barakacayaal ka yimid Xaafada Baraxley tasoo keentey in durba la dareemo daryeel la’aa.

Boqolaal Qoys oo Caruur yaryar wata ayaa ku jira Dadka Qaxay.

Xaafada Baraxley ayaa siweyn looga qaxay waayo shacabku waxay cabsi ka qabaan in Maleeshiyaadka Xaafadu ay dagaal ka bilaabaan Xaafadaha dhexdooda ama marka lagasoo atkaado ay gabaad kasoo dhigtaan Xaafada gudeheeda.

Sabtidii iyo Isniintii ayay taasi dhacdey kadib markii Maleeshiyaadka Koonfurtu ay soo weerare Ciidanka Puntland, Dagaal mudo kooban socdey ka dib waxay Maleeshiyaadku gabaad ka dhigteen oo u carareen Xaafada Baraxley.

Xaafadaha kale ee Gaalkacyo wax Qaxa kama jiro marka laga reebo Qoysas deganaa Xaafada afka u saaran Baraxley kuwasoo ay Dadka Qaar baneeyeen guryahooda,

Puntlandi.com
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles