Howlwadeenada Puntlandi ee Xaafada Baraxley ayaa noo xaqiijiyey in Sabtidii 22 okt. Ilaa maanta oo Isniin ah uu khasaaraha Soo gaaray Ciidamada Iyo Maleeshiyaadka huwanta ah ee Koonfurta uu kor u dhaafayo 47 Nin.
Khasaaraha u badan wuxuu ka dhashay Dagaalkii sabtida ay kusoo qaadeen Ciidanka Puntland xili ay Ciidanka Puntland ka war hayeen weerarada ku soo socda oo ay sugayeen.
Wararka rasmiga ah ee dhanka Baraxley aan ka helney waxay sheegayaan in Duleedka Koonfureed ee Gaalkacyo lagu aasay 25 nin kuwasoo loo sameeyey Xabaalo wadareed oo macneheedu yahay in hal god lagu wada aasay.
Waxaa la xaqiijiyey in dhanka Galmudug ay ka geeriyoodeen 37 Nin dagaalkii sabtida oo uu ku jiro Sargaalkii watey Ciidanka, Halka Dagaalkii maanta inta laga warhayo ay ka dhinteen 10 nin.
Dhanka Puntland waxaa Dagaalkii sabtida ku dhintey 3 askari iyo Askari dhaawac u dhintey shalay oo axad ahayd, Dagaalkii maanta Puntland Waxaa uga dhawacmey Sagaal Askari, wax dhimasho ah lama sheegin.
Badanaa Dagaalka ka socda Duleedka Gaalkacyo waxaa bilaaba Koonfurta oo weeraro kusoo qaada Ciidanka Puntland tasaana sabab u ah in khasaarohoodu badnaado.
Puntlandi.com
Gaalkacyo