Warar rasmi ah oo Puntlandi helayaan ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha waqtigisii dhamaaday iyo gudigiisa doorashooyinka dadban ay ka war wayeegayaan ku dhawaaqida iyo soo xulida Xildhibaanada Aqalka Sare.
5 bishaan Oktoobar ayay ahayd in lagu dhawaaqo Xildhibaanada Aqalka sare,lakiin nasiib daro Dawlada Puntland oo qura ayay Xildhibaanadu diyaar yihiin, oo liiska Xildhibaanad la taagan, isla markaana waayey cid ka qabta, iyadoo aad moodo in loo khuurinayo, oo la diidan yahay dhismaha Aqalka Sare
Wararka Dublamaasiyadeed ee Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in ujeedka ugu weyn ee loo soo bandhigi waayay Xildhibaanada ama loogu dhiiran waayay soo xulida Xildhibaanada Aqalka sare ay tahay mu’aamarad iyo shirqool u qarsoon Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxda Qabiil ee uu hogaamiyo Oday Xaad oo damacsan in la laalo dhismaha Aqalka Sare,iyagoo raba in ay ku andacoodaan in ay jiraan caqabado waaweyn oo wakhtigan xaadirka ah ku hor gudboon in lagu dhawaaqo xubnaha iyo guud ahaan dhismaha Aqalka Sare.
Dhinaca kale waxaa si xoogle u socda abaabul hor leh oo ay wadaan Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamul goboleedada dalka oo la doonayo in mar kale oo afraad Doorashada dib loogu dhigo.
Waxaa socda qorshe ah in kulan deg deg ahi uu ka dhaco Magaalada Muqdisho dhawaan, kulankasoo ay isugu imaanayaan Kooxdii Madasha Qaranka ee Sharciyadooda iyo jiritaankooda uu dhamaaday shirkoodii u dambeeyay ee bishii Septembar.
Wararka Puntlandi helayso waxay sheegayaan in ujeedka kulankaan uu yahay in lagu dhawaaqo in Doorashadu dib u dhacdey, iyadoo qiil laga dhiganayo in Gudiga Doorashadu uu sidaas soo gudbiyey.Gudiga doorashooyinka ayaa ah xubno uu soo magacaabay, oo daacad u ah Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh,isla markaana uu gudiga gudoomiye u yahay Sharci-yaqaan Abuukar Dhegay oo ah la taliyaha dhinaca sharciga ee Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh , Gudidaas oo shaki weyni ka jiro daacadnimadoodu.
Dhinaca kale waxaa mar kale si weyn u muuqta sida ay isugu dhex milmeen ,isla markaana sharci jabinta iyo balan ka baxa ugu midoobeen Madaxda ugu sareeysa dawlada Federaalka ah iyo kuwa Maamul Goboleedada dalka, oo iyagu u dhaga nugul fulinta Qorshe walba oo xadgudub ku ah Dastuurka iyo shuruucda dalka oo Xasan Sheikh uu soo hor dhigo.
Sidoo kale waxaa muuqta in digniinhii ka soo baxaayey Beesha Caalamka iyo midowga Musharixiinta Soomaliyeed ee ahaa in doorashooyinka waqtiga lagu heshiiyey lagu qabto ay noqdeen hal bacaad lagu lisay,oo ay dhagaha ka fureysteen kooxhan Dantooda gaarka ah ku midoobay.
Puntlandi
Nairobi