Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa maanta bilowday wareega 7-aad ee tallaalka Dabaysha,kaasoo lagu rajo wayn yahay in la tallaalo caruurta ka yar tobanka sano.
Wasiir ku xigeenka Cafimaadka Puntland Sayban Ugaas Yaasiin oo maanta war-fidiyeenada kula hadlaysay magalada Garowe ayaa fariin adag u jeedisay waalidiinta,waxayna sheegay waalid kasta in looga baahan yahay inuu dhalaankiisa siiyo labada dhibcood ee tallaalka dabaysha.
Hoos ka dhagayso Wasiir ku xigeenka
Marwo Saynab Ugaas ayaa sheegay inay tallaalka sidoo kale gayn doonan goobaha waxbarashada si caruurta iskuulada joogta ay u qaataan,waxayna ku tilmaamtay tallaalka inuu yahay mid looga hortago khatarta uu xanbaarsan yahay.
Wareegaan oo ka duwan kuwoo hore ayaa la sheegay in xooga la saari doono caruurta Tobanka sano ka yar,macdamaa qof 20-sano wayn laga helay cudurka dabaysha,waxayna sheegtay ilaa iyo hada Puntland in laga helay hal kiis oo Bosaso ah.
Inkastoo cudurka Dabaysha oo ku xoogan yahay Koonfurta Somalia hadana dhaqaatiirta caafimaadka ayaa sheegay inuu cudurkaasi ka mid yahay kan dadku ay isku gudbiyaan,sidaasi darteedna loo baahan yahay in wacyi galinta la joogteeyo.
Puntlandi.com
Xafiiska Garowe