Wali dad Soomaaliyeed baa qaba ama rumaysan in Soomaalidu kala qabiil fiican tahay ama muwaaddiniinta Soomaaliyeed hayb qabiil darteed ku kala fiican yihiin . Waa sababta loo yiri ’is-ma-gayno oo is-guursanmaynno’. Hadda ogoow inay shisheeyaha is-gayaan oo is-guursadaan dadka u qaba inayan is-gayan muwaaddiniinta Soomaaliyeed qaarkood!
Fikirkaas qaldani wuxuu salka ku hayaa sheekooyin khuraafaad ah oo ayan dad caqli iyo cilmi u saaxiib ahi rumaysan karin aqbalina karin.
- In qayb inaka mid ah lagu yiraahdo: ”dadnimadiinaan buuxin oo dhimman waa gef kii ugu weynaa oo dad loo geysto”.
- In ummadi caadaysato wax ku dhisan khuraafaad iyo sheeko ku tiri-ku-teen ah oo an sal iyo raad midna lahayn waa yaab.
- In caadadii xumayd dhaqan qaymo leh laga dhigaana waa yaabka yaabkiis.
- In dulmigii loo arko sidii wax caadi ah oo la sharciyeeyo oo magacyo loo bixiyo sida ‘beelaha la hayb-sooco iyo 4.5 waa amankaag iyo nasiibdarro.
Si kastaba ha ahaatee, waa arrin ka marag-kacaysa oo caddaynaysa:
- Inaynnu wali ku jirro casri jaahili, kuna dhaqanno sheekooyin khuraafaad ah;
- Inaan wali la helin hagid iyo hoggaan toosan oo bulshada ka wacyi galiya kana saara jahliga iyo mugdiga ay ku dhex jirto;
Inaynaan ka faa’iidaysan waxna ka qaadan cilmi diineed iyo mid maaddi ah midna;
Inaynnaan ahayn dad ka wada hadla runta, xaqa iyo danta guud oo bulshada;
in waxgarad kasta oo Soomaali ah ay waajib ku tahay inuu ka horyimaado caadadaas foosha xun oo lagu beeray bulshadeenna;
in ay isin kasta, sheikh kasta iyo siyaasi kasta la gudboon tahay waajibna ku tahay inuu si joogto ah ugu halgamo, in dhaqankaas xun la suuliyo;
Gunaanad
Soomaaliyeey, wada ogoow, inuusan qaarkeenna gun ahayn qaarkeen kalena ahayn gob, ee aynnu ama wad gob nahay ama gun nahay.
Haddi kale, waa in waxa la kala sheeg-sheegayo (oo dadbaa dadka kale ka gobsan ah) loo helo caddayn buuxda oo cilmi ku dhisan.
Waa inaan ogaanno inaynaan diin, dadnimo iyo dowladnimo midna ka runsheegin, haddaynnaan la dagaallamin oo diidin dulmigaas.
Qore: Said Abdille Ali-Ilweyn
Master in Educational Scciology