Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jaaliyadda Copenhegan oo 20,100 USD u dirtey Isbitaalka Gaalkacyo, Guud ahaan Reer Denmark oo Diray 50,100 USD

$
0
0

Jaaliyada-Puntland-ee-DenmarkJaaliyada Puntland ee Copenhegan ayaa maanta oo ah Axad 18 sep. Waxay ay 20,100 Dolar(labaatan kun iyo Boqol Doolar) u direen Mashruuca dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo.

Gudiga tabarucaadkaan Uruririyey ayaa waxay u mahad celinayaan Xubnaha Jaaliyadda ee ka qayb qaatey bixinta lacagtaan .

Jaaliyadu waxay lacagta ku hagaajiyeen Gudiga loo xilsaarey dhismaha Isbitaalka Gaalkacyo. Waxaa sigaara loogu mahadcelinayaa Guddigii u istaagay soo urrinta lacagtaan.

Dabayaaqadii bishii hore ee Ogoosto ayaa Jaaliyada Puntland ee Waqooyiga Denmark waxay noqdeen Jaaliyadii ugu horeysay ee jeebka gacanta galiya oo 20.000 USD ah u direy Isbitaalka.

Jaaliyada Magaalada Odensa ee isla Denmark ayaa iyana bilowgii bishaan Septembar waxay direen 10.000 USD.

Halka ay maantana Reer Copenhegan oo Caasimada Denmark ah ay iyana jeebka gacanta galiyeen oo direen 20.100 USD.

Guud ahaan Reer Denmark waxay Isbitaalka Gaalkacyo ugu deeqeen Aduun gaataya 50.100 USD.

Puntlandi.com
Copenhegan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles