Raysal Wasaare Xigeenkii hore ee Xukuumadii Badbaado Qaran Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa canmbaareeyey weerarkii Fulaynimada ahaa ee lagu qaadey Madaxweynaha Dowlada Jubaland, wuxuuna ka tacsiyeeyey dadkii ku waxyeeloobay, dhambaalka ayaa u qoraa sidaan hoose.
Waxaan halkan tacsi ooga dirayaa dhamaan shacabka ree jubaland gaar ahaan qaraabadii iyo Eheladii ay ka baxeen dadkii maanta ku geeriyooday falkii arxan darada ahaa ee khawaarijiinta baneeystay dhiiga ummada soomaliyeed.
waxaan ilaah ooga baryayaa in uu janadii ka waraabsho samir iyo iimaana naga wada siiyo, Waxaan ummada somaliyeed ku boorinayaa in ay meel ugasoo wada jeesadaan wada jirka iyo nabadeynta Shacabka Soomaaliyeed si wadanku uu u dago loona helo nabad waarta.
Waxaan kale oon soo dhaweeynayaa sidii awalba aan u cadeeyey Booqashadii iyo soo dhaweentii wajiga hore ee muqdisho iyo go aamadii ka soo baxay ee beelaha jubooyinku isku afgarteen waxaan rajeeynayaa in dhameeystirka wajiga labaad lagu dadaalo sidii loo sii dardar galin lahaa loona soo afjaro heshiiskii labada dhinac Dawlada iyo Juba.
Cabdiwahab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif
Raysal wasaare ku xigeenki hore Mudane