Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jaaliyada Puntland ee Stockholm oo Casho soo dhooweyn ah u sameyey Afhayeenka Puntland(Sawiro)

$
0
0

Waxaa dhowaantan boqasho ku joogay Dalka Sweden, Magaalad Stockholm Afhayenka Dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libax Jore), Caawa 12/09/2013 ayaa Jaaliyada Puntland ee Stokholm waxay Casha soo dhawayn iyo xogwaraysi isugu jirta ugu sameeyey isla Magaalada Stockholm, Cashadaasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyin, Dhalinyaro, Haween iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Afhayenka Puntland Libaax Joore oo hadal dheer oo qiimo badan, isuguna jira xogwaran iyo talooyinba ka soo jeediyey cashada, isagoo uga Mahad celiyey guud ahaan Jaaliyada sida diiran ee loogu soo dhaweeye magaaladan Stockholm.
Sidookale waxaa iyana ka hadalay aqoonyahayno uu ka mid yahay prof. Cabdi KHaliif oo reer Stockholm ah, Gudoomiyaha jaaliyada Puntland ee Sweden Ciise Diin ayaa isna hadalo kooban jeediyey, Nabadon Cabdirisaaq ayaa isna kamid ahaa dadkii kasoo qayb galay cashada.

Afhayeenka ayaa dhowaan dhameysanaya booqashadiisa gaarka ah ee Sweden.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles