Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

UNUKAA YAABNEY : – Madaxweyne Gaas oo si rasmi ah uga qayb qaadanaya ololaha doorashada Xasan Sheikh, maantana ka baaqdey safar uu u raaci lahaa Jowhar

$
0
0

xasan-sheekh-iyo-cabdiweli-gaas-678x381
Warar ay warbaahinta Puntlandi ay ka heleen illo lagu kalsoon yahay ayaa maaalmahaanba tibaaxayay in Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ku dhex milmay kooxda Villa Soomaaliya, Isla markaasna uu qayb ka yahay ololeha Siyaasadeed ee Doorasho Xasan Sheikh ee ay ku mashquulsan yihiin kooxda Damu jadiid.

Madaxweyne Gaas oo mudo laba wiig ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta wuxuu ka baaqdey Safar uu u raaci lahaa Madaxweyne Xasan Sheikh Magaalada Jowhar, Safar kasoo qayb ka ah ololihiisa Doorashada, balse baaqdey kadib markii Diyaarad Helikoptar ah oo qaadi lahayd ay cilad farsamo ku timid.

Wararka soo gaaraya Warbaahinta Puntlandi ayaa sheegaya in Maalmaha Soo socda uu Madaxweyne Xassn Sheikh oo uu weheliyo Madaxweyne Gaas uu ololihiisa Doorashada ka bilaabi doono Puntland, Wararku waxay intaas ku darayaan iney kasoo degi doonaan Gaalkacyo,iyagoo Safar dhulka ah ku mari doonaan ilaa Bosaso, Taasoo dhabar jab iyo ceeb ku noqon doonta Shacbiga iyo Dowlada Puntland.

Xeeldheerayaasha Siyaasada Puntland ayaa aaminsan, una arka iney tahay Nasiibdaro in Madaxweyne Gaas uu qayb ka noqdo ololaha Doorashada Soo noqoshada Xasan Sheikh,kaas oo ku fashilmay hogaanka dalka afartii sano ee uu hayey, iyadoo markii horeba Mudane Gaas lagu tuhmayay inuu dabacsanaan iyo tanaasul joogto ah u sameeyo Madaxweyne Xasan Sheikh, tasoo dhalisay inuu Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku dhiirado, kuna tunto, oo uu jabiyo dhamaan heshiisyadii horay loo galay, isla markaasna u bareeray inuu wax ka badal sharci daro ah xitaa ku sameeyey Dastuurkii Dalka.

Shacbiga Puntland ayaa waqtigan difaac iyo iska caabin kula jira dagaalka iyo colaad joogtada ah ee ay ku hayaan isbaheysiga Argagixisada Al -Shabaab iyo kooxada damul-jadiid ee Xasan Sheekh ay magaalada xamar ka soo abaabulayaan, sidaa daraadeed marnba ma noqon karto wax la qaadan karo in shacbiga Puntland loo soo tahriibiyo ololaha kooxda fashilantay ee Damul-jadiid.

Dawlada Puntland oo dhidbada loo taagay sannadkii 1998 ayaa taladeedii ku soo ururtay kaliya Boorsada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,oo mudooyinka danbe shaqadisii ku soo ururtay mar uu ku jiro safaro dheer dheer oo waxtarka ay dalka u leeyihiin weli aanay muuqan iyo mar uu magaalada muqdisho uga qeyb galayo wadahalo xarig jiid ah oo aan dhamaan,oo kaliya laga dhaxlo aflagaadada odayaasha Beelaha Hawiye iyo tanaasul joogto ah

Xogtaan xuquuqdeeda waxaa iska leh Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles