Shirkii Madasha Qaran uga socday Muqdisho ayaa Muran iyo isjiidjiid ka dib waxaa la isla gaaray isfahan buuxa oo laga gaaray dhamaan Qodobadii la isku hayay.
Sida Puntlandi xogta ku helay qodobada muranku ka taagnaa ee ugu miisaanka cuslaa waxaa kamid ahaa Xubnaha Aqalka sare.
Aqalka Sare waxaa la isla gartey in lagusoo xulo qaab Goboleed oo ku salaysan 18kii Gobol oo min 3 xubnood ah sida ku cad Dastuurka.
Saaka bilowgii shirka ayaa Puntland iyo Jubbaland waxay soo jeediyeen in Qodobada la isku hayo loo maro qaab Dastuur maadaama is aaminidii meesha ka baxdey oo cagta la mariyey Heshiisyadii hore arintaas waxaa soo dhaweeyey Raysal Wasaaraha iyo Xubno ka socdey Dowlada Itoobiya oo qayb ka ahaa Wafdiga Beesha Caalamka.
Beesha Caalamka ayaa doorweyn ka qaatay is afgaradka kadib markii qaybaha Soomaalidu ismari waayeen.
Puntlandi.com
Muqdisho