Dhammaan Dadkaan hoos ku qoran waxay Tacsi u direynaa Qoyskii iyo Ehelkii uu ka baxay MARXUUMKA Maxamad-Deeq Suldaan Maxamuud Heybe waxayna Allaha Awooda leh uga baryayaan inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowsa, Ehelkii uu ka tagayna inuu Samir iyo iimaan ka siiyo.
Maxamed-Deeq Suldaan wuxuu ka mid ahaa Dadkii ku geeriyoodey Qaraxii maanta 12 sep.2013 ka dhacay Kismaayo.
Waxaa iayana tacsi diraya Jaaliyada Jubaland ee Norway
tacisda jaaliyada waxay u qoran tahay sidaan hoose
- Jaaliyadda Jubaland ee Norway waxay ka tacsiyaynaysaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Suldaan Maxamed Deeq Suldaan Maxamuud Haybe iyo dhamaan dadkii ku geeriyooday weerar ismiidaamin ah oo ay fuliyeen xubno ka tirsan ururka Alshabaab. Waxay Jaaliyaddu sida ugu adag u cambaaraynaysaa weerarka arxan darrada ah ee lala beegsaday waftiga Jubaland ee uu hogaaminayay Sheekh Axmad Maxamed Islaam oo maanta dib ugu soo laabtay Kismaayo ka dib muddo todobaad ah oo ay safar shaqo ku joogeen magaala madaxda Muqdisho. Jaaliyaddu waxa ay shuhadada geeriyootay Eebbe uga baryaysaa dambidhaaf iyo naxariista aakhiro eheladii ay ka tageenna samir iyo iimaan. Dadka dhaawacmay ayay sidoo kale Jaaliyaddy Ilaahay uga baryaysaa inuu siiyo caafimaad iyo badqab taam ah.
Inaa Lilaahi Wa inaa Ileyhi raajicuun.
Waxaa tacsidan diraya iyana dadka kala ah:
1.Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys
2. Xildhibaan Ibraahim Cabdalla (Dhaqane)
3. Col. Faarax Botaan Warfaa
4. Col. Zubeer Cabdilkariim Boorle
5. Col. Nuux Maxamad Axmed Isaakh
6. Maxamad Xasan Geelle
7. Xuseen Beynax Barre
8.Yuusufmahad Maxamad Aadan
9. Xasan Xaaji Barre
10. Sadiiq Cabdi Xasan Buraale
11.Maxamad Cabdi Xasan
12. Axmed Xasan Kaahin
13. Shugri Cumar Gaboose
14. Dr. Cabdilxakiim Golongol Deyl
15. Cabdiraxmaan Muxumad Aardoon
16. Muqtaar Bashiir
17. Cabdirisaaq Ceymad
18. Maxamad Xuseen Adar
19. Xasan Sheekh Axmed Nuur
20. Xasan Sheekh Cali
21. Bishaar Yuusuf Gamaadiid
22. Axmed Cabdullaahi Geney
23. Maryama Sheekh Cali
24. Axmed Xaaji Maxamad Nuur
25. Cabdi Maxamad Kaahin
26. Deeq Kediye
27. Muxsin Xaaji Cabdi
28. Xuseen Cabdullaahi
29. Maxamad Yuusuf Barkhadle
Aamiin————Aamiinn—–—-Aamiin————Aamiin