Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin Dowlada Puntland oo gabi ahaan xirtey Xuduuda Koonfurta Soomaaliya amaanka awgiis

$
0
0

Gaalkacyo piMaanta oo khamiisa 1 septembar laga bilaabo Dowlada Puntland waxay sare u qaadey heerka amaanka Xuduuda ay la wadagaan Koonfurta Soomaaliya tasoo macneheedu yahay in Xuduuda gabi ahaanba albaabka la isugu dhuftay.

Arintaan ayaa timid ka dib markii ay badatay khatar dhanka amaanka ah ee Puntland uga imaanaysa koonfurta iyo Rag ka tirsan Al-shabaab oo ay Dowlada Puntland heleen macluumaadkooda kuwasoo ay gabaad iyo deegaanba ka helay Xaafada Baraxlay.

Sida ay howlwadeenada Puntlandi xog hoose ku heleen Ninka lagu magacaabo Nuur Maxamed Cabdullaahi(Nuur Deeq) oo kamid ahaa liiskii kooxda Al-shabaab ay Dowlada Puntland dhowaan soo bandhigeen iney ka dambeeyeen weeraradii Gaalkacyo lagu qaadey ayaa Waxaa si bareer ah u difaacay Odoyaal kasoo jeeda Xaafada Baraxley oo ay isku heyb yihiin Nuur Deeq, Ninkaasoo la sheegey inuu hada u baxsadey Tuulada Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Xiritaanka Xuduuda Gaalkacyo ayaa macneheedu yahay in Ciidanka amaanku ay awood dheeraada u helayaan iney joojiyaan Gaadiidka iyo Dadka kasoo talaabaya dhinaca Koonfureed, waxayna Ciidanku habeynkii Kantaroolo ka sameysanayaa xaafadaha ku yaal xuduuda Xaafada Baraxley si loo kantaroole in Dad kasoo gudbaan xaafadaas.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Xigeenka Dowlada Puntland Injineer Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa todobaadkii tagay wuxuu ku dhawaaqay in Dowlada Puntland ay gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyey Weera´rkii Gaalkacyo ay ugu tagayaan meeshey ku dhuumaalaysanayaan, isagoo shacabka ugu baaqay iney gacan siiyaan Ciidanka ayna soo sheegaan xogaha ku saabsan kooxaha argagixisada.

Puntlandi.com
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles