Garowe– 12 Sep.2013–Pi– Dowlada Puntland ayaa warsaxaafadeed kasoo saartey weerarkii Argagixiso ee lagu qaadey maanta Madaxweynaha Dowlada Jubaland, tasoo dad badan ku dhinteen, Warsaxaafadeedka Puntland wuxuu u qoran yahay sidaan hoose.
Puntland State of Somalia
Dowladda Puntland Waxay Si Weyn u Cambaaraynaysaa Weerarkii Isqarxinta oo lagu Qaaday Madaxweynaha Jubaland
WAR SAXAAFADEED
12 September 2013
Dowladda Puntland waxay si weyn u cambaaraynaysaa weerarkii isqarxinta ahaa oo lagu qaaday kolonyo gadiid ah oo galbinaysay Madaxweynaha Jubaland Shiikh Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe) isagoo jooga magaalada Kismaayo.
Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Maamulka iyo Shacabka Reer Jubaland iyo qoysaskii iyo ehelladii dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas waxshinimada ahaa oo ay mas’uul ka tahay kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab, waxaana weerarkaasi ku dhintay kuna dhaawacmay askar iyo shacab intaba.
Madaxweynaha Jubaland wuu ka badbaaday weerarkaasi oo ahaa iskuday kale oo lagu waxyeelaynayo degenaanshaha iyo nabadgelyada Soomaaliya, iyadoo la bartilmaameedsanayo madaxda dalka.
Himilada Puntland iyo shacabka Soomaaliya waa in laga gudbo caqabadaha hortaagan nabadgelyada dalka Soomaaliya in si loo gaaro nabad waarta, xasilooni iyo horumar.
— DHAMMAAD —