Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Fadeexad : – Shir madaxeedkii Igad oo Septembar ka dhacya Xalane iyo Ciidamada Somaalida oo lagu amray in aanay soo dhaafin KM 4″ SOWETO “

$
0
0

images-5

Bilowga bishaan soo socota ee Septembar waxaa Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka furmaya Shir madaxeedka Wadamada ku bahoobey Ururka Goboleedka IGAD.

Amaanka Shirka

Sida ay sheegayaan ilaha howlwadeenada Puntlandi u waramay waxaa shirkaasi diirada lagu saari doonaa xaaladaha amni iyo mida siyaasadeed ee dalalka Somaaliya iyo Konfurta Sudaan.

Inkastoo shir madaxeedka Igad oo lagu qabaanayo taariikhada markii ugu horeysay ciida Somaaliyeed,hadana waxaa nasiib xumo ah in ururka goboleedka Igad ay si rasmi ah u shaaciyee in hawlaha socodsiinta iyo sugida amaanka shirka ay masuul ka noqon donaan hawlwadeenada urur goboleedka Igad iyo Ciidamada Amisom, iyadoo sidoo kale la diyaariyey cutubyo ka tirsan ciidamada dawlada Federaalka ah oo ka qayb qaadanaya sugida Amaanka, kuwaas oo lagu amray in aanay soo dhaafi karin isgoyska KM 4, oo masaafo dhan 1.5 KM ah u jirta goobta loo asteeyey in uu shirku ka dhaco ee Xalane,iyadoo la sheegay in doorka iyo shaqada ciidamada Soomaalida ay noqon doonto iney xiraan wadooyinka ganacsiga ee ay isticmaakaan dadka danyarta ah ee Somaaliyeed ee Maka Al-mukarama, iyo Wadada KM4 ee Airporka Aada.

Ciidanka Amisom waxay sugayaan Amaanka Goobta shirku ka dhacayo iyo ilaa 1.5 KM oo isku wareeg ah.

Sodoo kale waxaa la sheegay in la hawl galin doono Diyaarad nooca aan cidna wadin DRONES oo dalka Kenya leeyahay,taas oo sugi doonta amaanka hawada goobta shirku ka dhici doono.

Sida aan xogta ku heyno ma jiri doono Askari Soomaali ah oo hubeysan oo soo gali kara masaafo u jirta 1.5 KM goobta shirku ka dhacayo.

Ujeedka Shirka loogu qabanayo Soomaaliya xiligaan

Inkastoo goobta Shirku ka dhacayo amaankeeda aad loo adkeeyey, hadana sida la wada ogsoon yahay Amaanka Caasimada Muqdisho wuxuu ahaa mudooyinkan danbe mid aad u soo xumaanayey, iyadoo taasi jirto ayaa hadana wadamada IGAD waxay si ula kac ah ugu dhiiradeen, iyagoo danahooda gaarka ah ee ay Somaliya ka leeyihiin ilaashanya in ay u bareeraan khatartaas amni ee ka jirta Somalia,siiba magaalada Muqdisho, isla markaana shirkooda ku qabsadaan goobta sida gaarka ay u ilaaliyaan ciidamada Amisom ee xerda Xalane ee magaalada Muqdisho,Waayo waxaa jira sababo iyo ujeedooyin dhowra ah oo uu xambaarsan yahay qabsoomida shirku,kuwaas oo qaar ka mid ahi yihiin:

Mida kowaad Waxaay rabaan in ay beesha caalamka iyo dowladaha deeqada bixiya u xaqiijiyaan in doorashooyinkii lagu balansanaa dabayaaqada sannadkan ay ka dhici doonta dalka,Madaxweyne Xasan Sheekh iyo inta doorshada ka cagajiideysan cagta dhulka loogu dhufan doono

Mida labaad oo ah Wadamada IGAD oo ay Somaaliya u tahay mashruuc irmaan oo ay ku qaraabtaan,isla markaana Beesha Caalamku U xilsaartey wadamada Igad in ay si dadban u maamulaan dalka Soomaaliya, waxay rabaan in ay fursadan ku muujinayaan in ku guuleysteen shaqadii loo diray, ayna dib u soo celiyeen nabadii iyo deganaanshihii Somaaliya, isla markaana marti gelinta shirka ee Muqdisho ay calaamad u tahay sida xaalada Soomaaliya ay uga soo raynayso,iyagoo dawladaha Igad riwaayadaas beenta ah uga faa’iideysan doonaan in ay beesha caalamaka u jeediyaan codsiyo iyo yabooh dhaqaale,oo ay ku macneeyeen in loo baahan yahay in la adkeeyo oo halkaas laga sii wado horumarka amni iyo midka siyaasadeed ee ay horkacayaan dawladaha Igad ee ay ku talaabsatay Dawlada Somaaliya.

Waxaa nasiib daro ah in hogaanka siyaasadeed ee dalku uu qabatimo,raalina ku ahaadeen in ay marti iyo magan ugu noqdaan qoomam shisheeye xarunta Amisom ee Xalane,Caasimadii ummada Somaaliyeedna lagu sunto,laguna asteeyo goob laga cawdul bileysto oo lama galaan ah ” Soweto “

Puntlandi.com
Post@puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles