Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xaalada Gaalkacyo kadib weerarkii shalay

$
0
0

Saaka waxay Gaalkacyo ku waabariisatay deganaan iyo ka hadalka dhacdadii shalay ka dhacdey Xarunta Degmada ee Sababtey 31 qof iney naftooda waayaan.

Amaanka sare ayaa loo qaadey iyadoo goobaha lagu shaaheeyo ay dadku aad u hadal hayaan falkii Argagixasadu ka geysatey Magaalada.

Boqolaal Qof ayaa shalay saf u galay Isbitaalada si sy dhiigooda ugu derqaan walaalohooda ku dhiig baxay weerarka, masnta oo isniin ahna waxay Dadweynuhu islu boorinayaan in la la shaqeeyo Laamaha amniga.

Magaalada waxaa imaanaya maanta Madsxweynaha sidaas awgeed amaanku waa dhiiqsan yahay.

Dhimashada rasmiga ah hada waa 32 Qof dhaawucuna waa 61 Qof oo 11 Garaab tahay kuwasoo isla maanta loo duulin doono Adis ababa.

Puntlandi.com
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles