Wadaadka ugu sareeya Culumada Turkiga ayaa sheegey in isusoobaxa loogasoo horjeedo ciidanka uu yahay mid Diini ah oo lagu difaacayo diinta iyo rabitaanka shacabka, shiikhu wuxuu hoosta ka xariiqay in culamadu ay taageersan tahay rabitaanka shacabka iyo xukuumada ay doorteen.
dhinaca kalena Masjidyada Istanbul waxaa hal mar isqabsadey adin iyadoon la joogin xili salaad, waxaana muuqata in Aadaanka salaada uu qayb ka yahay mudaharaadka looga soo hor jeedo afgambiga.
ilaa hada waxaa lagusoo waramayaa in 17 ´boolis ah ay ku dhinteen xarunta sirdoonka oo dagaal culus uu ku dhex maray Booliska iyo Ciidanka.
diyaarad Helikobtar ay oo Ciidanku leeyihiin ayaa iyana waxaa soo ridey Diyaarad Dagaal oo xukuumada taageersan.
Dad shacab ah ayaa iyana lagusoo waramayaa iney ku dhaawacmeen tacshiirad ay Helikobtar soo furtay.
Dhismaha TV-ga iyo Radio-ga iyana waxbaa gaaray.
Puntlandi.com
Istanbul