Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ethiopian airline oo rakaabkii Berbera ku Xayiran ka codsatey iney yimaadaan Jigjiga

$
0
0


Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian airline oo hakisey duulimaadkii ay ku tagi jirtey Magaalada Berbera ayaa rakaabka tikidhada shirkada heysta ee ku sugan Soomaaliya ka codsadey iney isugu yimaadaan Magaalada Jigjiga ee Caasimada Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya si halkaas diyaarad uga soo qaado ka dibna keento Adis abeba, halkaasna ugasii wataan safarkoodii.

Shirkadu waxay qorsheyneysaa iney Diyaarad weyn u dirto magaalada Jigjiga si ay halmar usoo qaado rakaabkaa, sida aan warka ku heyno Xafiisyada ay shirkadu ku leedahay Berbera iyo Hargeysa ayaaiminka ku mashquulsan sidii rakaabkaas loogu wargalin lahaa iney isugu tagaan Jigjiga.

Ethiopian airline shirkada Diyaaradaha Itoobiya waxay duulimaadkeeda joojiyeen ka dib markii Maamulka Soomaaliland ku khasbey iney diyaaradu kasoo degto Garoonka Hargeysa oo dib u habayn lagu sameeyey balse shirkadu sheegtey in Laamiga diyaaradu ku orado uusan buuxin sharuudihii dhinaca Amaanka diyaarada.

sidaas ka dibna waxay shirkadu go’aan satey iney gabi ahaanba joojiyaan Duulimaadyadii Berbera.
Puntlandi.com
Adis Abeba


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles