Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ay la socdaan inta baan shaqaalaha Xafiiskiisa ayaa u dalxiis tagaya Dalka Mareykanka

$
0
0


Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh oo ay weheliyaan inta badan shaqaalaha Xafiiskiisa ayaa tan iyo bilowga bisha Obtoobar Dalka ka maqnaan doona, Shirka Brussels ka dib waxay u duulayaan Talyaaniga, ka dibna waxay aadayaan Dalka Mareykanka.

Safarka Madaxweynaha waxaa weheliya sadex Wasiir iyo 19 ka mid ah shaqaalaha Villa Soomaaliya, Belgium waxay u tagayaan halmaalin oo shaqo ah waana maalinta shirka New Deal socdo, Talyaaniga sidoo kale hal maalin oo shaqo ah ayay u tagayaan, Mareykanka ayuu magaalada New York Madaxweynuhu uga qayb galayaa shirka Qaramada Midoobey, ka dib Waxay Madaxweynaha iyo shaqaalaha Xafiiskiisu u Dalxiis tagayaan Washington iyo Gobolka Ohio.

Waxaa la xaqiijiyey safarkaan Madaxweynaha inuu yahay kiisii ugu dheera uguna balaarnaa, Kulamada uu ka qayb galayo marka laga reebo Wasiirada iyo laba ka mid ah shaqaalaha Xafiiskiisa ineysan inta kale Wax shaqo ah ku lahayn kulamada Madaxweynaha iyo Wasiiradiisu ka qayb galayaan,badankooduna marka kulamadu socdaan waxay joogayaan Hoteklka ama magaalada ayay u dalxiis tagayaan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa balaaran waxaa kharashkooda qaba Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM, macaal marka ay tagaan Washington iyo Ohio oo aysan Wax shaqo ah u tagayn balse ay lasoo kulmayaan oo qura Qurba joogya Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Habayn iyo maalin Muqdisho waxaa Gilgila Qaraxyo iyo weeraro Qorsheysan, mana jiraan qorshe muuqda oo ilaa hadda xukuumada Federaalku ay u dajisey sidii looga hortagi lahaa qaraxyadaas, halka boqolaal kun oo dollar uu Madaxweynuhu ku kharash garaynayo safar uu u kexeeyo shaqaalaha Xafiiskiisa.

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed safarkiisii ugu dheeraa oo kanoo kale ahaa waxaa la socdey 6 xubnood oo qura, Magaalada Muqdishona xiligaas bishii baa hal qarax ka dhici jirey.

Puntlandi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles