Inagoo ah Guddiga ka wakiilka ah Jaaliyada Qurbajoogta ee Jubba State ee ku nool Gobolka California ee Dalka Maraykanka, Waxaan taageereynaa heshiiskii ay gaareen Dawlada Federalka Soomaaliyeed iyo Maamulka Jubba ee ka dhacay Addis Ababa, dalka Ethiopia taariikhdu markay ahayd August 28, 2013.
Heshiiskaa oo ay goobjoog ka ahaayeen ururada caalamiga ah ee daneeya arrimaha soomaaliya sida: Ururka Midowga Afrika , urur goboleedka Igad, Ururka Midowga Yurub, Ururka Jimciyadda qurumada Midoobay iyo isutagga Mareykanka . waxaan u aragnaa heshiiskan mid so afjaraaya xerig jiidkii iyo kalsooni la,aantii soomaalida u dhexeeysay Muddadii 22 sano ahayd.
Waxaan sidoo kale soo dhaweynaynaa waxkasta oo Somaali isu soo dhaweynaya, waxaana ka horjeednaa waxkasta oo Soomaali kala fogeynaya iyo waxkasta oo colaad keeni kara.
Waxaa kale oo aan halkan ku ayideynaa booqashadii kalsooni dhisidda ee u dhexeeysay hogaanka sare ee Maamulka Jubba ku tageen Magaalada Mogadisho Xarunta dawladda Fereraalka ee soomaaliyeed iyo Madasha kale ee loo ballansan yahay in la,iskugu yimaado Magaalada Kismaayo si loo dhameystiro dhismaha Maamulka Jubba . Waxaa durba muuqata in heshiiskii mirihiisii ugu horreeyay la guranayo sidaas awgeed, waxaan shacabka ,dawladda fedaraalka, iyo Maamul goboleedyada haddda Jira ugu baaqeynaa in ay garab istaagaan heshiiskan dhaqangalkiisa iyo in loo istaago soo celinta sumcaddii ay lahaan jirtay Ummadda soomaaliyeed iyada oo tixraacayo nidaamka federaalka ee ay s€€€oomaalida ku heshiisay.
Hadaba waxaan kula dardaarmeynaa dowladda fedaraalka iyo maamulka Jubba in heshiiskaas uu noqdo mid u daneynayaa bulshadda Soomaaliyeed ee ay colaadaha iyo abaaruhu ragaadiyen. Waxaan ku talin lahayn in uu noqdo heshiis leh aragti fog oo abuura dib u soo celinta wadajirka,midnimada iyo iskashiga shacabka Soomaaliyeed oo ay saldhig u yihiin diinta, dhaqanka iyo wada dhalashadda Soomaaliyeed