Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda qaban qaabada Shirka Madasha Qaran ee looga arinsanayo Doorashada Soomaaliya ka dhici doonta Ogoosto iyo Septenbar sanadkaan.
Shirka Madasha Qaran oo furmi doona Arbacada 22 Juun ayaa lagu wadaa in lagasoo saaro go’aamadii ugu dambeeyey ee loogu diyaar garoobayo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan bisha Septembar ee Madaxweynaha Soomaaliya lagu dooran doono.
Sargaal ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in Shirla Baydhabo lagusoo saari doono go’aamo muhiim u ah Doorashada iyadoo Ajandayaasha looga hadli doono ay kamid noqonayaan dhameystirka Odoyaasha dhaqanka ee soo xuli doona Xildhibaanada cusub.
Waxaa kaloo shirka lagusoo bandhigi doonaa khariirada loo marayo doorasha oo qeexan.
Puntlandi.com
Muqdisho