Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BREAKING NEWS : – Madaxweyne Xasan iyo Raysal wasaare Sharmaake oo isku khilaafsan Doorashada iyo howlihii socdey oo gabi ahaan istaagey

$
0
0

Madaxweyne_Xasan_iyo_RW_Sharmaarke Wararka soo gaaraya howlwadeenada Puntlandi ee Muqdisho auaa sheegaya ayaa in khilaaf baahsan soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid, Khilaafkas oo gaaray heer ay soo kala dhex galaan Beesha Caalamku.

Khilaafka Labada masuul ayaa waxaa sal u ah magacaabidda guddiyada Doorashada, Meesha khilaafka ugu weyni ka taagan yahay ayaa ah cidda soo xuleysa Xildhibaanada cusub ee matalaya beelaha waqooyi ee dalka,kuwaas oo uu Madaxweynuhu uu doonayo in Raysal wasaare ku Xigeenka xukuumada ee Mohamed Camar Carte uu soo uruuriyo xubno gacan ku rimis ah, oo cododkooda siiya hadhow isaga, halka Ra’iisal Wasaaruhu uu qabo in hawshaas si nidaamka 4.5 ku dhigayo ay tahay hawl iyo shaqo ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee beelaha somaaliyeed .

Khilaafka ayaa meel xun gaaray oo sababay in ay Beesha Caalamku soo kala dhex gasho.

Beesha caalamka oo ka tala bixisay murankan ayaa soo jeediyey in xulista loo daayo odayaasha dhaqanka,isla markaana Xafiiska Raysal wasaaraha looga dambeeyo arintaas,maadaama uu mas’uul ka yahay howlaha Doorashada oo dhan.

Soo jeedinta ka timid Beesha Caalamka waxaa ku gacan seyray Madaxweyne Hassan Sheikh oo damacsan inuu Xuldhibaanada Waqooyiga dalka ku dhibco badsado

Sida Puntlandi xogta ku hayo waxaa gabi ahaan istaagay howlihii socday ee u diyaar garowga Doorashooyinka, Sida aan warka ku helnayna gabi ahaan waa la hakiyey howlahaas.

Beesha Caalamka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa soo jeediyey oo isku raacay in Howlaha socda ee khilaafku ka dhashay la hakiyo ilaa laga gaarayo shirka Baydhabo ay Hoggaamiyayaasha Madasha Qaran isugu imaanayaan bisha June 22-24, 2016 halkaasoo arrintan lagu falanqeyn doono, iyadoo Beesha Caalamku ka qayb qaadan doonto xalinta khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles