Sida aan xogta ku helney Madaxweyne Xasan Sheikh markii lagu casumay Shirka New Deal ee Midowga Yurub u qabanayaan soomaaliya ayaa Madaxweynuhu wuxuu gudbiyey liiska Dadka u raacaya shirka, liiska waxaa ku qoray ugu yaraan 50 Qof lakiin waxaa hor istaagey Midowga Yurub oo ka codsadey madaxweynaha in uusan Wafdigiisu ka badan 25 Qof.
Xafiiska Madaxweynaha waxay hadana soo direen liis ka kooban 28 Qof, hadana Midowga Yurub waa ku celiyeen liiskii Villa Soomaaliya, waxaana lagu amrey ineysan Wafdiga Madaxweynaha ka badan 23 Qof.
Xafiiska Madaxweynaha Waxay hadana Nairobi usoo direen liiska saxda ah oo ka koooban intii lagu amrey oo ah 23 Qof.
Liiskii u horeeyey ee Kontonka Qof ka koobnaa waxaa ku jirey 18 qof oo Basaboor Soomaaliya wata, liiskaas ma aanaan helin lakiin waxaan gacanta kusoo dhigney labada liis ee kale.
Shaqsiyaadka ka midka ah Wafdiga Madaxweynaha u raacaya shirka Bruxelles waxaa ka mid ah Dad aan wadanka joogin balse liiska lagu darey, wafdigu waxay ku balan san yihiin Bruxle iney ku kulmaan oo koox koox ayay u imaanayaan qaarkood.
Wafdiga Madaxweynaha 6 qof mooyee inta kale waa Beesha Madaxweynaha
Madaxweynaha koox la socota waxay kasoo duulayaan dhowaan Dubai ama Abu Dabai
Liiskaan hoose waa kii 28ka qof ee lagu Celiyey
liiska saxda ah oo la ogolaaday liiskaan hoostiisa ka akhriso
Halkaan hoose riix si aad u akhrisid Liiska 23 xubnood ee Madaxweyne Xasan Sheekh
liiska kooxda saxda ah ee raacaysa Madaxweynaha