Odoyaashaa Beesha Harti ee Jubooyinka iyo Koonfur Galbeed ayaa ka xumaadey in laga qadiyey Xildhibaanada Soomaaliya kadib markii liiska Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay iska waayeen.
Sida xogta ay Puntlandi ku heeen 4 ama 5 kursi oo Beesha Harti ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeef ka heshay Baarlamaanka ayaa waxaa liis ahaan lagu daray Liiska Harti ee Puntland,tasoo macneheedu yahay in Beesha Harti ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay ka qadayaan Baarlamaanka cusub.
Sida Puntlandi xogta ku helay Odoyaasha Harti ee Koonfurta Soomaaliya waxay maalmo ka hor u safreen Garowe si ay Ugala soo hadlaan Madaxweyne Cabdiwali sababta Kuraasta Hari ee Jubbaland/Koonfur Galbeed loogu soo dari waayey liiska Deegaanadooda.
Iyadoo 4.5 wax lagu qaybsadey hada sida hada muuqata Reer walba waxaa wax loogu darey Dadka ay la deegaanka yihiin marka laga reebo Beesha Harti ee Koonfurta.
Odoyaasha Deegaanka ayaa ku doodaya in Hartida Deegaanada Koonfureed ay wax la qaybsanayaan Dadka ay la degaan laakiin sida hada wax loo qaybshay waxaa la is raaciyey guud ahaan Harti,taasna waxay keeneysaa in Ay meesha ka baxaan Dadka dega Koonfurta ee Harti.
Masuuliyada Arintaan waxay Odoyaashu dusha uga tuureen Raysal wasaare Cumar, Madaxweyne Gaas Madaxweyne Shariif xasan iyo Madaxweyne Axmed Madoobe,Waxayna Odoyaasha iyo Siyaasiyiinta Harti Koonfureed Sheegeen ineysan Aqbalayn Arintaan.
Puntlandi.com
Kismaayo