Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Gaas oo Ndola Zambiya lagusoo dhaweeyey

$
0
0

Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cabdiwali Maxamed Cali Gaas isla markaasna hada ah Musharaxa Madaxweyanah Puntland ayaa booqasho gaara wuxuuu ku jooga Dalka Zambiya waxaana maanta lagusoo dhaweeyey magaalada Ndola ee caasimada labaad.

Prof. Gaas oo ka hadlayey munaasabadii soo dhoweynta isaga oo ku sugan hotelka Mukuba ee magaalada Ndola ayaa uga mahad celiyey dadweynihii soo dhoweeyey dadaalkii ay u galeen iyo wakhtigii ay geliyeen soo dhoweyntiisa.

Prof Gaas oo muddo saddex casho ah ku sii sugnaan doona waddanka Ndola si uu ula kulmo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ujeedooyinka safarkiisa kamid ah ololaha doorashada madaxtinimada Puntland, isaga oo horay u shaaciyey inuu yahay musharrax u taagan jagada madaxweynaha Puntland ee dhici doonta horraanta bisha Jannaayo ee sannadka 2014.

Sawirada hoos ka daawo

Maxamuud Faarax Bile
Freelance Journalist
Ndola, Zambia


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles