Shirkii u socdey Madaxda Dalka ee Muqdisho ka socdey maalmihii lasoo dhaafay ayaa qodobadii aadka loogu lafa guray waxaa kamid ahaa Aqalka Hoose (Baarlamaanka) iyo deegaanada lagusoo xulayo sida loo kala qayb sanayo 275 ka kursi.
Sida ay Howlwadeenada Puntlandi xogta ku heleen waxaa Muran badan ka dhashay kuraasta Beelaha shanaad iyo kuwa Direed deegaanada lagusoo xulayo.
Dowlada Federaalku waxay dooneysay in Xildhibaanadaan lagusoo xuli Muqdisho laakiin waxaa arintaas ka biyo diidey Puntland iyo Jubbaland oo labaduba sheegay in Dadkaan laga hadlayo ay inta badan degan yihiin deegaanadooda.
Dood dheer kadib waxaa lagu heshiiyey in Xildhibaanada 275 ta ah la qaybiyo waxayna Puntland heshey 43 xildhibaan iney iyagu soo xulaan halka Jubbaland ay iyana heshay 39 Xildhibaan.
Wali Xildhibaanada waxaa lagusoo xulayaa nidaamkii awal lagu heshiiyey ee 4.5.
Puntlandi.com
Muqdisho