Maalmahaan waxaa Muqdisho ku shirsanaa Madaxda Soomaalida shirkaasoo looga arin sanayay Doorashada uu Dalku gali doono bisha Ogoosto iyo Septembar Sanadkaa.
Shirku wuxuu si rasmi ah usoo xirmey shalay Galab oo isniin ahayd, Waxaana durba la bilaabay qorida Warmurtiyeedkii shirka.
Sida Puntlandi xogta ku hayo Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa wuxuua saluugey qaabka loo qoray Warmurtiyeedka tasoo keentey in warmurtiyeedkii dib loogu laabto.
Waxaa muran ka taagan yahay in arinta Gobolka Banaadir oo shirkii maalmahaan socdey la isula meel dhigey inuusan kuraas ka helin Aqalka sare ayaa Madsxweynuhu wuxuu doonayaa in Warmurtiyeedka lagu qoro si ka baxsan sida xaqiiqdu tahay.
Warar hoose oo Puntlandi helayo waxay sheegayaan in Dad kasocda Xafiiska Madaxweynaha ay soo jeediyeen in Warmurtiyeedka lagu daro in Arinta Gobolka Banaadir lasii wadayo kawada xaajoodkeeda oo isla markaasna lagu eegi doono shirarka dambe ee Madasha Qaran.
Xaqiiqda jirtase waxaa weeye,labadii maalin ee lasoo dhaafey waxaa aad la isugu dayay in Gobolka Banaadir uu qayb ka helo Aqalka Sare laakiin taasi ma dhicin oo waxaa la isla meel dhigay in Habqaybsiga Aqalka Sare iyo kan hoose uu ahaanayo sidii horey loogu heshiiyey oo aan waxba laga badaleyn taasoo macneheedu yahay in Gobolka Banaadir uusan hal kursi ku yeelanayn Aqalka Sare,Riyadaasna halkaas ku dhimatay.
Sidaan hada warka ku heyno Warmurtiyeedku wuxuu soo baxayaa Caawa oo talaado ah.
Puntlandi.com
Muqdisho