Maanta iyo Muqdisho marka lagasoo tago kulanka Madaxda Soomaalida u socda waxaa isna feer socda Kulan ay leetihiin Gudigii Farsamada oo looga arin sanayo dhinaca farsanada heshiisyadii horey loo wada gaaray iyo dardar galinta Nidaamka Doorashada soo socota.
Sida Puntlandi Warka ku hayo labada shir ma jiraan wax ka baxsan Qodobadii lagu heshiiyey oo maanta laga wada hadlay.
Galinka dambe waxaa ajandaha ku jiri doona Caasimada oo Wafuuda qaar ku doodayaan in ay Aqalka sare meeqaam ku yeelato halka Wafuuda qaar kood ay muubiyeen inaysanba diyaar u ahayn in laga wada hadlo wax ka baxsan heshiis yadii hore.
Mid ka mida Siyaasiyiinta ayaa Puntlandi u sheegey in aysan hada macquul ahayn in laga wada hadlo Caasimada Soomaaliya waayo Muqdisho iney Caasimad Soomaaliweyn sii ahaaneyso iyo in kale baanba wali laga wada hadlin, Sida Dastuurku qorayana horaaba loo sheegey oo waa in meel la isla dhigaa Meeqaamka ay Caasimada Soomaaliya yeelaneyso, taasna waxay u taal sida Dastuurka ku qoran Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.
Puntlandi.com
Muqdisho