Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BREAKING NEWS : – Kulan hadda u soo dhamaaday Beesha Caalamka iyo Xildhibaanada Soomaliya ,oo si kulul loola hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka

$
0
0

breaking-nes-150x63 (1) Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho waxaa hadda lagu soo gabagabeeyey kulan dhexmaray Beesha Caalamka iyo Xildhibaanada Federaalka Somaaliya, waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid iyo Gudoomiyaha Baarlamanka mudane Jawaari iyo ku xigeenadiisa,kulankaas oo diirada lagu saaray dedejinta iyo ansixinta Baaralamaanka ee hawlaha geedi socodka nidaamka doorashooyinka 2016.

Kulankaas ayaa intuu socday waxaa la sheegay Xildhibaanada Barlamaanka Somaaliyeed ay ku kala qaybsameen, oo buuq ka dhashay ka dib markii miiska lasoo saaray qorshe ahaa in lagu tunto heshiisayadii Garoowe iyo kii madasha wadatashiga Qaranka, oo si daneysi ah muran cusub laga bilaabo maqaamka caasimada,isla markaana magaalada Muqdisho aqalka sare ee Baarlamaanka laga siiyo 7 kursi oo cusub.

Xubnaha Beesha Caalamka oo goobta ka hadalay ayaa si mideysan uga soo horjeestay talaabooyinka har iska xoornimada ah ee lagu carqakadeynaayo heshiisyadii hore loo gaaray,waxayna Xildhibaanada u sheegeen in aysan marnaba aqbalayn in qodobadii hore loogu heshiiyey wax laga bedelo,waxyna si cad u sheegeen in mudo kordhin iyo wax ka badal heshiisaydii hore ay tahay wax meel ka dhac ah,wakhtigana aan Xildhibaanada Soomaliyeed looga fadhiyin in ay muran cusub ka abuuraan

Beesha Caalamku waxay ka dhawaajiyeen in arintaan ay abuurayso Qalalaase Siyaasadeed oo hor leh,taasna aysan aqbali karin Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Mr. Keating ayaa yiri” Waan wada ogayn sidii lagu keenay Heshiiskii Garowe, Puntland meeshay kasoo noqotayna waan ogayn iyo Tanaasulkii taariikhiga ahaa ee ay sameeyeen, Arinta Muqdisho iyo Meeqaamkeeda ma ahan mid hada yaal in laga hadlo oo dib loo noqdo, Doonina mayno in Dowladnimda hadda jirtaa ay ku dambeyso in dib loogu noqdo Dib u dhac hor leh iyo in dalku uu galo khalkhal”

Iskusoo duuboo Beesha Caalamku waxay hoosta ka xariiqeen oo codsadeen in Baarlamaanku uu ansixiyo heshiiska loo soo gudboyey.

Dhinaca kale Raysal wasaare Cumar oo aan isagu ka hadal shirkaan ayaa Xalay wuxuu sheegey inuusan sinaba u aqbalayn in wax laga badalo heshiiskii Garowe, Wuxuu yiri “Heshiiska Garowe wakhti baan galiney guulna wuu ahaa, in Qodobo hor leh laga hadlo maanta waxay keenaysaa in Puntland iyana ay ka laabtaan 4.5, Waana khasaare hor leh.”

Dhonaca kale Ergayga Gaarka ah ee Qaranada Midoobay wuxuu sheegay iney beri imaanayaan Xubno ka socda Golaha Amaanka Qaramada Mdiibey ayna dhabar jab noqoneysa haday yimaadaan iyadoo khilaaf Siyaasadeed jiro.
Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles