Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BREAKING : – Xiisad ka taagan Magaalada Marka iyo Maleeshoyaadkii heysatay Magaalada oo ka baxay

$
0
0

breaking-nes-150x63-1Saaka barqadii ayaa Mar qura laga warhelay Maleeshiyaadkii heystay Magaalada Marka iney isaga baxeen Degmada, Waxayna isku urursadeen Xerada Amisom ay ku leedahay Magaalada.

Wararka ay Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Magaaladu ay hada cidla tahay ayna jiraan walwal laga qabo in ay u gacan gasho Al-shabaab.

Sida uu Puntlandi u sheegay nin deegaanka ku sugan oo Dadka Magaalada degan ka mid ah Waxaa sababay in Maleeshiyadii horay u joogtay Magaalada ay isagabaxaan culeys dhaqdhaqaaq ciidan ah oo uga yimid Al-shabaab dhinacooda.

Wararka kale ayaa iyana waxay sheegayaan Maleeshiyaadkii baneeyey Marka ay qaarkood gaareen Shalaambood.

Magaala Xeebeedka Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa gacanta ku hayay Maleeshiyo huwan magaca Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed kuwasoo sababay in Gudoomiyihii Degmada Xassan Cumareey uu isaga cararo shaqadiisa, wuxuuna waayadaan dambe Magan galyo ula joogay Ciidanka Amisom.

Dhinaca kalena Gobolkaan waxaa waayadaan dambe hareeyey Xasuuq iyo Xadgudub loo geysanayo shacabka Deegaanka, ilaa hadana ma jiraan cid isu xilqaantay iney arintaas ka hadlaan, Hadey noqon lahaayeen Masuuliyiinta u sareysa Dalka ama Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed amaba Maamulka dariska la ah ee Jubbaland.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles