May 12, 2016 (MINNEAPOLIS) Shir looga hadlaayo isticmaalka waraaqaha Section 8ka ayaa lagu qabanaayaa hoolka shirarka xaafada Cedar Riverside ee Brian Coyle. Section 8 ayaa ah barnaamij lagu kaalmeeyo kira dhiibayaasha saboolka ah oo aan aboodin in ay la baxaan kiradooda.
Gudoomiyaha Degmada 6’aad Mudane Abdi Warsame iyo madaxweyne kuxigeenka golaha degaanka Magaalada Minneapolis Marwo Elizabeth Glidden ayaa idin kusoo dhawaynaya, inaad fikradihiina ka dhiibataan isticmaalka waraaqaha Section 8ka gudaha Magaalada Minneapolis.
Kumanaan Somaali ayaa isticmaasha Section 8, iyagoo mararka qaarkood la kulmaan dhibaatooyin la xiriira isticmaalka Section 8ka. Fadlan kasoo qaybgala islamarkaana na ogaysiiya dhibaatooyinka aad la kulantaan, si aan idinkugu ololayno, dhibaatooyinkiinana aan u gudbino.
Date: Friday May, 13, 2016.
Time: 5:30 – 7:30pm
Location: Brian Coyle Center – 420 15th Ave S, Minneapolis, MN 55454
Kasoo qaybgal wacan