Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Shirkii Garowe ee Arrimaha Soomaaliya iyo Dastuurka oo dib u dhacay

$
0
0

Garowe city
Warar Dublamaasiyadeed oo Howlwadeenada Puntlandi ka heleen dhinaca Nairobi ayaa sheegay in Shirkii qorshuhu ahaa inuu ka furmo Garowe dabayaaqada bishaan May uu dib u dhac yar ku yimid.

Shirka Garowe ee May 2016 waa shir laba waji ah, Labada maalmood ee hore waxaa kulmi doona Madaxda ku mideysan Madasha Qaran, Wajiga labaadna waa shirka Qaran ee dib u eegista Dastuurka.

Sida Puntlandi kasoo Xiganayaan ilo dublamaasiyadeed shirku dib ayuu u dhacayaa sababo la xiriira dhaqaalaha ku baxaya shirka dib u eegista Dastuurka oo aan wali la ansixin iyo Wufuud caalamiya oo imanaya Soomaaliya xiliga shirku bilaaban lahaa.

Puntlandi.com
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles