Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Michael Keating oo Nairobi kula kulmey Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano loona soo jeediyey in Madaxweynaha Soomaaliya aysan dooran Baarlamaanku

$
0
0

keating-puntlandiErgayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa todobaadkii tagay wuxuu kulan la qaatey Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano Soomaali ah, Kulanka oo ka dhacay Nairobi waxaa dalbadey Ergayga gaarka ah si uu la tashado fikirkoodana u dhagaysto Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Soomaalida.

Kulanka oo ahaa aqoon iswaydaarsi iyo talo wadaag ayaa lagfusoo gudbiyey fikiro dhowra.

Ambasador Michael Keating wuxuu muujiyey inuu walwal ka qabo in Musuqmaasuq iyo laaluush loo adeegsado Doorashada Madaxweynaha 2016, waana tan ku dhalisay inuu arintaas sidii looga hortagi lahaa uu kulan wadatshi ah uu la qaato Siyaasiyiinta iyo Aqoon yahanada aan xilka hayn hada.

Siyaasiyiintii iyo Aqoonyahanadii la kulmey Keating waxay aad usoo dhaweeyeen dareenka uu ka qabo Doorashada, waxayna hoosta kawada xariiqeen in dareenkaas uu meel malba yaal ayna haboon tahay in laga hortago in Doorashadu noqoto mid la musuqmmaasuqo oo lacago loo adeegsado.

Talooyinkii lasoo jeedsashey waxaa kamid ahaa.

- In Ergooyinka 14,000 (Afar iyo tobanka kun) ee dooranaya Xildhibaanada ay iyagu doortaan Madaxweynaha, si meesha looga saaro in Baarlamaanku ay doortaan Madaxweynaha.

Arinataan waxaa la isku raacay in ay tahay xalka kaliya ee looga hortagi karo in Musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha ay lacago isticmaalaan.

- Indoorashada Madaxweynaha ay san ka dhicin Muqdisho, Amaanka Ergada awgeed.

Ambasador Keating wuxuu sheegey inuu sii wadi doono wadatashiga uuna urursan doono talooyinka ka hor inta aysan Xubnaha Golaha Amaanku aysan imaan Soomaaliya, Xubnaha Golaha Amaanka ee qaramada Midoobey waxaa lagu wadaa iney Soomaaliya yimaadaan bartamaha ama dabayaaqada bishaan Maajo.

Puntlandi.com
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles