Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku hadlaya Magaca labada Gole iyo Magaca Shacabka Puntland ayaa tacsi u direy shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle .
Marxuum marxuum Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle ayaa xalay wuxuu ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland oo iminka ku sugan Dalka Jabuuti ayaa sheegay inuu tacsi gaara u dirayo Ehelkii iyo Qaraabadii uu Marxuumku ka tagay.
Ugaas Ciise wuxuu ka mid ahaa Cuqaasha Soomaaliyeed, Odaynimada kasokow wuxuu ahaa siyaasi.
Illaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo…
Aaaamiiin AaaamiiiNNN