Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BREAKING NEWS– Puntlandi oo hordhac u helay qodobada Puntland iyo DF ku heshiiyeen ee aan wali la saxiixin

$
0
0

Qodobada lagu heshiiyey oo Puntlandi si hordhac ah uga heleen Madaxtooyada Puntland, Wararka kale ee aan helayno waxay sheegayaan in tan iyo Xalay uu Madaxweyne Xasan ka biya diidanaa heshiiskaan oo uu wali diidan yahay balse Raysal wasaaraha ayaa ku adkeystey dhameystirka heshiiskaan iyo inuu saxiixo.

Heshiisku wuxuu ka kooban yahay 10 qodob oo qodobkiiba uu leeyaha a iyo b ama dhor fidqo oo kasii baxaysa oo gaaraya ilas 40 qodob oo yaryar.

Qodobada ay Puntlandi hordhaca u heleen waxaa ka mid ah..

Qodob ayaa wuxuu u qoran yahay sidaan… muurtiyeedkii ka soo baxay shirkii Istanbul 23-24,2016, labada dhinac waxay ku heshiiyeen In la dhamaystiro go’aanna laga gaaro Caasimadda Soomaaliya iyo maqaamkeeda.

Caasimadda Soomaaliya waa iney yeelataa astaan qaran iyo mid siyaasad oo loo dhan yahay.

Sida uu qabo dastuurka dawladda Puntland (qod.4aad) iyo dastuurka DFS (Qod. 142aad), inta laga gudbayo nidaamka hab qaybsiga qabiilka ee 4.5, loona gudbayo nidaamka hal cod iyo hal qof. Waxaa lagu heshiiyey in Puntland ay hesho mudnaanta iyo madaxbanaanida ay ku geli karto heshiisyo caalami ah ee horumarineed isla markaasna ay ka faa’iidaysan karto khayraadkeeda dabiiciga ah (special arrangement).

Qodobada waxaa kaloo kamid ah in dib loogu noqdo gudiyadii Doorashada ee Dowlada Federaalku sameysay isla markaasna Puntland iyo Maamulada kale lagala tashado dhismohooda.

Qodobka 7aad ee heshiisku wuxuu qorayaa sidaan.

Labada dhinac waxay isku raaceen illaa iyo inta laga helayo hannaan dawladnimo
Federaal ah oo dhamaystiran, Puntland inay toos u hesho saamiga saxda ah ee ay ku leedahay deeqaha caalamiga ah ee lagu helo magaca Soomaaliya.

Isla qodobkaas 7aad wuxuu qorayaa firqadiisa B. Sidaan..

Maadaama ay Puntland leedahay hawada duulimaad ee ugu dheer Soomaaliya, waxaa
lagu heshiiyey in Puntland hesho xuquuqdeedii maamul iyo midda dhaqaale ee ay ku leedahay hawada Soomaaliya.

Qodobada waxaa kamid ah oo kale

#..Puntland waxay doonaysaa saamiga Saraakiisha sarsare iyo Saraakiisha dhexe ee Dawladda sida taliyeyaasha ciidamada, Agaasimeyaasha guud, Maareyeyaasha wakaaladaha iyo hay’adaha madaxa bannaan, Safiirada iyo Saraakiisha kale ee ka shaqeeya Safaaradaha Soomaaliya u fadhiya caalamka, hawl-wadeenada rayidka ah, magacaabidda xubnaha guddiyada madaxa bannaan IWM.Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in Puntland ay hesho saamigeeda.

#..Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladda Puntland waxay ku heshiiyeen in fadhiga Hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya dalka loo kala qaybiyo si loo baahiyo awoodda iyo mas’uuliyadda dawladnimada, waxaana go’aan ka gaaraya dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah.

Qodobka 10aad waxaa ka mid ah sidaan

Qodobka u dambeeya ee Gunaanadka heshiiska wuxuu u qoran yahay sidaan... Mowqifka Puntland ee ku aadan arrimaha dastuurka waa sidan: Puntland waxay u aqoonsan tahay dastuurka DFS kii lagu wada saxiixay Nairobi 22 June 2012, kadibna lagu ansixiyey afti kooban Muqdisho 1dii Agoosto 2012.

Heshiiskan ay wada gaareen dawladda federaalka iyo dawladda puntland waxaa
hirgelintiisa damaanad qaad buuxa ka noqonaya Urur goboleedka IGAD, Qaramada
midoobay, Ururka midowga Yurub (EU) iyo Dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Heshiiska lagu kala saxiixanayo Garowe waxaa kaloo kamid ah in Dhismaha aqalka sare ka hor mariyo intaan Baarlamaanka lasoo dhisin.

In Ergada dooraneysa halkii Xildhibaan ay noqdaan 50 ergo ama xubnood.

Heshiiska waxaa Saxiixi doona Madaxweyne Gaad iyo Raysal wasaare Cumar

Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles