Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xildhibaan Axmed Xuseen oo Baarlamaanka Canada ka tirsan iyo Madaxweynaha Turkiga oo kulmay

$
0
0

A hussein
Xildhibaan Axmed Xuseen oo ah ku xigeenka madaxa Gudiga Xiriirka Afrika ee Baarlamaanka Kanada ayaa wuxuu kulan la qaaray Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Labada Masuul ayaa waxay ku kulmeen shir ka socda Magaalada Washingtong waxayna islasoo qaadeen Xaalada Soomaaliya, oyadoo Xildhibaanku uu aad uga mahadceliyey Taageerada ay Dowlada Turkigu taageerto Dalalka Afrika gaar ahaan Soomaaliya oo Xildhibaanku uu asal ahaan kasoo jeedo.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa dhankiisa ku amaaney Xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Canada isagoo Wafdiga Canada ku casumay Istanbul oo casumaad rasmi ah u fidiyey.

Doorashadii dabayaaqada Sanadkii hore ee Baarlamaanka Canada ayaa Axmed Xuseen oo Soomaali ah wuxuu noqdey Qofkii u horeeyey oo Afrikaan ah oo loo doorto kana mid noqda Baarlamaanka Canada.

Puntlandi
NEW YORĶ
>IMG_0829


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles