Alla ha u naxariistee waxaa la xaqiijiyey in Qarixii saaka ka dhacay Hotel Unlaaye ee Magaalada Gaalkacyo uu ku geeriyoodey Agaasimihii Dhaqaalaha Gobolka Midug Marxuum Saciid Cali Yusuf oo loo yaqaaney Gaada yare.
Qofka ismiidaamiyey ayaa si toosa u beegsadey Agaasimaha, Waxaana lagusoo waramayaa inuu Salaamey kadibna isku qarxiyey.
Marxuumka oo Gobolka mudug aad loo yaqaaney wuxuu la dhashey Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Mudane Gaagaab.
Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa ka tacsiyeynaya geerida Marxuumka.
Puntlandi.com
Gaalkacyo