Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xog Rasmi ah– Wasiirka Arimaha Gudaha DF oo hubeeyey Maleeshiyaad beeleed Koonfurta Gaalkacyo

$
0
0

Warar rasmi ah oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed uu hub iyo saanad siiyey Ciidan beeleed ku xeraysan meel u dhow koonfurta Gaalkacyo, maleeshiyaadkaasoo dhowr jeer weeraro gaadmo ah ku diley Dad reer Puntland ah.

Wasiirka oo ka soo jeeda beesha uu hubeeyey ayaa la sheegey in hubka lagu siiyey Magaca Ciidanka Dowlada, iyadoo ujeedada loo hubeynayo maleeshiyaadka ay tahay iney weeraraan beelaha reer Puntland ee ay dariska la yihiin.

Sida ay Howlwadeenada Puntlandi warka ku heleen waxaa hada Koonfurta Gaalkacyo ka socda abaabul lagu tababarayo Maleeshiyaadka la hubeeyey.

Hubka waxaa lagasoo gudbiyey dhinaca Muqdisho, waxayna shixnadii u horeysey soo gaartey Koonfurta Gaalkacyo bishii lasoo dhaafey ee Ogoosto.

Warar aan ka helney dhinaca maamulka Gobolka Mudug waxay iyana heleen macluumaad ku saabsan Maleeshiyaadka uu Wasiirku hubeeyey.

Warar waxaa jira iyana sheegaya in ay qaar ka mid ah waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo oo kasoo hor jeeda abaabulka qarsoon ee uu wado wasiirka Arinaha Gudaha Villa Soomaaliya
Ay usoo digeen maamulka iyo waxgaradka Puntlan iyagoo ka walwalsan colaada la hurinayo.

Dhinaca Wasaarada Amniga Puntland oo aan wax ka waydiiney xogtaan way ka gaabsadeen iney wax nooga sheegaan inta ay ogyihiin dhinacooda.

Puntlandi.com
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles