Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wafdigii Madaxweynaha Puntland oo galabta ka duuley Jabuuti una Duuley Dubai

$
0
0


Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka duuley Magaalada Jabuuti oo ay booqasho maalmo ah ku joogeen, waxayna kusii jeedaan Dalka Emaaraatka Carabta halkaasoo ay uga qayb gali doonaan Shir Caalami ah oo looga hadlayo Arimaha Soomaaliya gaar ahaan Ladagaalanka Burcad Badeedka.

Shirka ka dhacaya Dubai oo looga hadlayo Arimaha Burcad badedka ayaa Dowlada Puntland waxay u gudbin doontaa Warbixin dheer oo ku saabsan ladagaalanka Burcad Badeedka iyo kaalinta Dowlada Puntland, iyadoo Dowlada Puntland ay tahay meesha kaliya ee Soomaaliya ay ka jiraan Howlgalo Qorsheysan oo lagula dagaalamo Burcad badeedka, waxay kaloo Dowlada Puntland ku guuleysatey Wacyi galinta iyo jiheynta Dhalinyarada si looga hortago iney Burcad Badeed nopqdaan , kuwii Burcad badeednimada lagusoo qabtey oo Xabsiyada ku jirana waxaa loo sameeyey Qorshayaal lagu dhisayo Mustaqbalkooda.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa horey booqashooyin ugusoo kala bixiyey dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Puntlandi.com
Jabuuti


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles