Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News ; – Madaxweyne Xasan Sheikh oo Stockholm u imaanaya inuu saxiixo heshiis si khasab ah loogu celinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee bilaa sharciga ku ah dalka Sweden

$
0
0

Warbaahinta Puntlandi ayey u suurto gashay in ay waxbadan oo hore u qarsoonaa ka ogaadto qasdiga iyo ujeedkooyinka gurcan ee safarka Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku imaanayo Arbacada 02.bisha Maarso Dalka Sweden iyo sababha rasmiga ee ay salka ku hayso Casumaada ay Dowlada Sweden u fidisay Madaxweynaha Somaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweyn doona,isla markaana uu kulan la yeelan donaa Raysal Wasaaraha dalka Sweden Stefan Löfven , Ujeedka Safarka ayaa lagu sheegay inuu yahay in labada dhinac ay ka wada hadlaan Xaalada Soomaaliya iyo kaalinta Sweden ka qaadato taageerida Soomaaliyo, laakiin sida ay Howlwadeenada Puntlandi ay warka ku hayaan Madaxweynuhu wuxuu kaloo la kulmi doonaa Wasiirka Cadaalada iyo Socdaalka iyo muhaajiriinta dalka Sweden Morgan Johansson oo xafiiskiisa ay diyaar ku yihiin Documents horay loo diyaariyey oo ay ka shaqeeyeen xubno wakiil u ahaa Madaxweyne Xasan Sheikh,oo ah dibu celinta Qaxootiga Somaalida ah.

Heshiiska dibu celinta khasabka ah ee Qaxootiga Somaaliyeed ayaa waxaa saxiixi doona MAdaxweyne Xasan Sheekh, waana heshiis u sahlaya Dowlada Sweden iney Soomaaliya kusoo Celin karto dadka Qaxootiga ah ee ka soo cararay colaada iyo dagaalada weli ka socda dalka Somaaliya , ee dalka Sweden sharciyada qaxootnimo u diiday.

Hirgalinta iyo saxeexida heshiiska dibu celinta qaxootiga dartiis Waxay Dowlada Sweden ku marti qaadey Dalkooda Madaxweyne Xasan Sheikh,dabcan waxaa heshiiska kaloo ku hoos lamaan waxoogaa xaqal-shaah oo dawlda Sweden ku abaal marin doonto dawladaha ogolaada in si xoog ah loo khasbo,oo loo masaafuriyo muwaadiniintooda sharciga qaxootinimo looga diido dalka Sweden,dabcan Shilimaadkaas oo ku suntan taageero magac ahaan dawlada Soomaaliya loo fidinayo ,lakiin runtii ah waxoogaa Xaqul -Qalin oo loo gacan galin doono Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan inta uu joogo dalka Sweden waxaa loo diyaariyey in uu la kulmo Boqorka sweden Carl XVI Gustaf.

Khamiista ayaa kulan Qarsoodi ahi wuxuu ka dhici doonaa Xafiiska Wasiirka Cadaalada iyo Socdaalka Dalka Sweden, wasiirkaan waxaa hoos yimaada dadka soo galootiga Sweden waana wasaarada Qaabilsan Qaxootiga Sweden yimaada, kulankaan oo sacado kooban qaadan doona waxaa lagu kala saxiixanayaa heshiiska dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed, Qaxootiga hada sharciga loo diiday dalka Sweden 70% waxaa sharciga loogu diidey in lasoo ogaadey iney ka yimaadeen deegaanada Soomaaliland,sida dawlada Sweden sheegtay.

Heshiiskaan ay wada saxiixan doonaan Villa Soomaaliya iyo Wasiirka Cadaalada sweden wuxuu ogolaanayaa in Booliska Sweden ay _Muqdisho ka dajin karaan Qaxootiga Soomaaliyeed sharuud la’aan.

Wadamo badan oo Yurub ah ayaa heshiiskaan oo kale waxay la galeen Dowlada Turkiga,si Turkiga loogu hayo Qaxootiga Ciraaq iyo Siiriya taas badalkeeda Waxaa Turkiga la siiyey Balaayiin doolar iyo heshiisyo ganacsi, dawlada Sweden ayaa ka mid ahayd dalalka heshiiska la galay Turkiga, waana mcquul in heshiiskaan Xasan Sheikh u socdo ay Dowlada Turkigu wax kasoo dhameysay.

Dawlada Sweden ayaa bishii hore shaaca ka qaaday in ay dalkeeda ka masaafurin doonto boqolaal kun oo qaxooti bilaa sharci ah,si ay ugu weel baneysato mawjadaha qaxootiga Syrianka ah ee dalkeeda soo gaaray.

Puntlandi.com
Stockholm


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles