Saxaafada Kennya ayas cadaadis xoogan ku saaray Dowlada Kenya in ay ogaadaan tirada rasmiga ah ee Ciidanka Kenya uga dhintay weerarkii Ceelcade balse Dowladu waxay door bidry oo ku adkeysatay iney qariyaan tirada rasmiga ah ee khasaarihii Ceelcad.
Hadaba Madaxweyne Xasan Sheikh oo shalay isagoo jooga Istanbul uu la hadlayay saxaafada Soomaalida ayaa waxaa kasoo fakadey tirada rasmiga ah ee Askarta Dowlada Kenya uga dhimatay weerarkii Ceelcade.
Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in ay Kenya iga dhonteen weerarkaas 180 Askari.
Hadalkaan kasoo fakadey Madaxweynaha xili uu bixinayay waraysi ay geesaha ka galeen koox wariyayaal ah oo hadalada ku adkeeyey ayaa wuxuu noqonayaa Fadeexad in Madaxweynaha Soomaaliya uu banaanka soo dhigo Macluumaad ay Dowlada Kenya si hoose oo dublamaasiyadeed ay ula Wadaagtey Dowlada Soomaaliya, macluumaadkasoo Dowlada Kenya ay ka illaalisay iney banaanka yimaadaan sababo Amaanka Qarankooda awgeed.
Hoos ka Daawo Madaxweyne Xasan oo shaacinaya Tirada Askarta Kenya uga dhimatay Ceel Cad.