Warar hoose oo Warbaahinta Puntlani.com heleen ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka baaqdey shirka Turkiga uuna hada Madaxweynuhu kusii jeedo magaalada Washington DC ee cariga Mareykanka.
Wararka ay Puntlandi heleen waxay kaloo sheegayaan in Shirka Turkiga ka dhici doona todobaadka soo socda uu laba qaybood yahay.
Shirka NEW DEAL
Shirka New Deal oo sadexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadlayaa Maalgashiga Soomaaliya iyo Barnaamijka EU ee New Deal oo ah Mashaariic ay Midowga Yurub Maal galiyaan, Shirkaan Puntland waxaa uga qayb galaya Wafdi Heer Wasiir ah oo ay ka mid yihiin Ganacsato iyo Ururada Bulshada.
Shirka labaad ee Dowlada Turkigu horboodeyso oo Arimaha Siyaasada Soomaaliya looga hadli doono,
Shirkaan Waxaa iyagoo wakhtiga ka faa’iideysanaya Soo qaban qaabiyey Dowlada Turkiga waxaana looga hadlayaa arimaha Siyaasada Soomaaliya, Fadhigan labaad ee gaarka ah ayey dawlad Puntland si toos ah uga cudurdaaratay in ay ka qeyb gasho, mar haddii aanay jirin heshiis siyaasadeed oo lagu mideysan yahay iyo niyad sami ka dhaxeysa kooxaha soomalida ee kala socda.
Shirkaas waxaa la qoondeeyey inay kasoo qayb Galaan Madaxda maamulada Soomaaliya laakiin Madaxweyne Gaas ayaa ka baaqdey ka qayb galkiisa.
Madaxweyne Gaas wuxuu Axada ama Isniinta ku wajahan yahay Dalka Maraykanka oo uu booqasho shaqo ku tagayo.
Xukuumada iyo shacbiga Puntland baan wax soo dhaweyn,qadarin iyo taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeeba kama ay helin shirarkii iyo barnaamijyadii horumarineed ee hore lagu qabtay magaalooyinka Istanbuul iyo Ankara ee ay marti galisay dawlada Turkigu,sidaa daraadeed waxaa jira dareen aad u xoog badan oo shacbiga Puntland ka qabaan dhexdhexaadnimada dawlada Turkey ee arimaha murugsan ee Soomaliya.
Puntlandi
Garoowe