Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Gaas iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo ka wada hadlay Siyaasada Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhanom ayaa caawa waxay kulan ku yeesheen Adis abeba waxaana laga wada hadlay Amaanka Koonfurta Soomaaliya iyo Doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan lagu wado iney ka dhacdo Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa Casho sharaf uu Dr.Tedros Adhanom u Sameeyey Madaxweyne Gaas iyo Wafdigiisa ayaa waxaa lagu gorfeeyey Xaalada Amaan ee Koonfurta Soomaaliya oo maalmahaan kasoo dareysa iyo nidaamka Muranku ka taagan yahay ee 4.5.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegey in Dowlada Puntland ayna sinaba u aqbalwyn iney qayb ka ahaadaan in Dalka dib loogu celiyi burbur iyo dib udhac Siyaasadeed sidaas awgeedna ay Puntland go’aan cad ka qaadatay Doorasho lagu saleeyo nidaamka 4.5.

Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhanom wuxuu sheegay in Dalkiisu uu tix galinayo go’aanka Dowlada Puntland uuna dareensan yahay dareenka ay Puntland qabto, wuxuu kaloo sheegay in Xukuumadiisu ay sii wadeyso howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsi Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indhaguran ayaa isna qayb ka ahaa kulanka.

Puntlandi.com
Adis abeba
e5dc831e-851c-4e04-8de5-1ddfe601dbd7

8ec39d01-a866-4d53-839a-e5a437c3d9de

511d2db2-df5c-4e2a-8193-da9ca60cdec3

2e2d127a-b6ff-4e3e-a1de-ed5a8b527202


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles