Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Sawiro) Madaxweyne Gaas oo Adis Ababa kula kulmey Wasiirka Xuduudaha iyo Tamarta iyo waliba Saraakiisha Ciidanka Itoobiya

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Wasiirka Ganacsiga Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle iyo Wakiilka Puntland ee Itoobiya Mahad Faaraax Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa maanta 17-Feb-2016 kula la qaatay Wasiirka Kastamka iyo Cashuuraha Dawladda Federaalka  Itoobiya, Madaxa Tamarta iyo Korontada Azeb Asnake iyo Taliyaha guud ee ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya General Getachew Assefa.

Kulamada ayaa looga wada hadlay sidey suuragal u tahay in la helo xiriir ganacsi oo dhexmara labada Dal iyadoo uu Madaxweyne Gaas sheegay in Puntland ay dhowaan dhameystiri doonto wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Xuduuda Itoobiya taasoo hada gabagabo ku dhow, wuxuuna dhinaca Itoobiya ka codsadey iney dhankooda dayactiraan ayna dhisaan laami isku xira Xuduuda iyo Magaalooyinka weeweyn ee dhanka Itoobiya.

Kulanka Itoobiya iyo Puntland uga socda Adis ababa ayaa waxaa looga wada hadlayaa xiriir cusub iyo idkusoo dhowaansho dhex mara labada Shacab.

Madaxweyne Gaas wuxuu Itoobiya uga mahadceliyey kaalinta ay Ciidankoodu ka qaataan ladagaalanka Argagixisada iyo joogitaankooda Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas wuxuu beri la kulmi doonaa Raysal wasaaraha Itoobiya oo ay kawada hadlayaan Xaalada Soomaaliya.

b5ff108c-67d4-40af-892f-a249c34f9e4d

2aa7aedb-77fe-423d-92ec-be8b26b50d26

d3a2a7e2-41ab-4d1e-868d-a2791de96f88

c728a8cb-efda-4cb9-b200-752602a94e52

942f0de2-035a-4a44-b8e8-5488aff36c5c


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles