Sida ay Warbaahinta Puntlandi xogo hoose ku heleen kulamadii maalmahaan ka socdey Garowe oo looga arinsanayay Siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxay baaqyo iyo natiijooyin isku cod ah.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Garowe ka socday kulamado ay Qolo walbaa gooni goonida u yeelanayeen, Baarlamaanka Puntland, Qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah iyo Odoyaasha dhaqanka iyo Xubnaha Mucaaradka, Kulamadaas ayaa guud ahaan waxaa looga arinsanayay oo qura Mustaqbalka Soomaaliya iyo kaalinta Puntland.
Waxaa si buuxda looga dooday shirarkii ugu dambeeyey ee Muqdisho iyo Kismaayo ka dhacay iyo Go’aankii ay Xukuumada Federaalku ka qaadatay shirarkaas iyo aayaha Soomaaliya.
Markaan eeegnay kulamada Bulshada Puntland ay yeesheen maalmihii u dambeeyey iyo jawiga ay ku dhaceen waxay ahaayeen mid ay ka midaysan yihiin hal arin kasoo ahaa in ay si buuxda u wada ayideen mowqifka ay Puntland ka qaadatay Go’aankii ay Xukuumada Federaalku kaligood ku go’aan sadeen habka ay u dhacayso Doorashada bisha ogoosto ee sanadkaan, waxayna si weyn u cambaareeyeen go’aankii deg dega ahaa ee Beesha caalamku ku taageertey Go’aanka Xukuumada Federaalku qaadatay.
Kulamada waxaa ka muuqday aadna looga dooday in la gaaray xiligii ay Puntland iska ilaawi lahayd hal ku dhagii ahaa Soomaaliweyn baan raadineynaa, waxay Bulshada Puntland muujiyeen iney taas ka daaleen lana gaaray xiligii si dhaba loowada xisaabtami lahaa.
Sida ay Puntlandi xogta ku hayaan kulamadii wadatashiga ee Garowe ka dhacay maalmihii u dambeeyey oo uu ugu dambeeyey kulanka Waxgaradka oo maanta (talaado 9 feb.2016) soo xirmaya waxaa kasoo baxay baaqyo isku dhow.
Wafdiga ka socda Beesha Caalamku waxay gooni gooni ula kulmi doonaan maalmahaan Baarlamaanka , Ururada Bulshada, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Sida Puntlandi xogta ku hayo Beesha caalamku waxay kulamadaas kala kulmi doonaan waji gabax iyo Go’aan cad oo ay Reer Puntland usoo bandhigi doonaan Beesha caalamka.
Puntlandi.com
Garowe