Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg Ah– Kenya iyo Itoobiya oo kasoo horjeestey Go’aankii Madaxweyne Xasan Sheikh

$
0
0

Warar rasmi ah oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Wadamada Darisku ay aad uga caroodeen in Madaxda Dowlada Federaalku ay isku dayday iney marin habaabiso geedi socodkii hanaanka Doorashada bisha Ogosto.

Itoobiya iyo Kenya ayaa ka hor yimid Go’aan ay Dowlada Federaalku shegeen iney ka gaareen Wadahadaladii socday ,go’aankasoo markii hore Beesha Caalamka loo tusay inuu yahay mid ay Maamul Goboleedyadu Kismaayo ku ogolaadeen balse gadaal ayaa laga ogaadey inuu ahaa Go’aan ay Madaxda u sareysa Dalka ay kaligood ku gaareen meel mugdi ah oo qarsoon.

Kulan hada Xalane uga socda Beesha Caalamka ayaa looga doodayaa arintaas, wararka Puntlandi ka helayo Xalane waxay sheegayaan in EU oo Talyaanigu hogaaminayo ay markii hore taageersanaayeen Go’aanka Dowlada Federaalka balse diidmada Itoobiya iyo Kenya ay caqabad ku noqotay, waana arinta hada looga doodayo Xalane.

IGAD ayaa iyana taageertay go,aanka Itoobiya iyo Kenya.

Wixii kasoo baxa laba kulan oo midna Xildhibaanada Federaalka uga socdo Villa Hargaysa iyo kulankaan Beesha Caalamka uga socda Xalane kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles