Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh wuxuu Shirkii Shalay uu ka jeediyey Khudbad markii dambe noqotey been lasoo dhoodhoobey oo si ulakac ah uu Madaxweynuhu ka hor akhriyey ergadii Beesha Caalamka.
Sida Puntlandi xogta ku helay waxay arintaas noqotay oo sargaal ka tirsan UNISOM uu yiri President Hassan Sheikh Commit Political Suicide oo macneheedu yahay “Madaxweynuhu wuxuu sameeyey isdadalaad siyaasadeed, waana eray loo adeegsado fadeexadaha siyaasiyiinta”.
Hadaba maanta waxaa laga dareemayay Villa Soomaaliya in Madaxweynuhu uu isku dayayo inuu saxo qaladkii shalay.
Dhinaca Beesha Caalamku wax xiriir ah maanta lamaxaysan soo sameyn Villa Soomaaliya taas badalkeeda waxay kulamo gooni gooni ah la qaateen Madaweyne Gaas, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Shariif Xasan, Waxaa kaloo yaab ahayd kulamadaas waa laga qadiyey Madaxweynaha Maamulka Cadaado ee Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen.
Wali ma hayno waxyaabihii ay kawada hadleen Besha Caalamka iyo Sadexda Madaxweyne.
Dhinaca kalane Raysal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirshiid ayaa kulan wuxuu hada kula jiraa(6 makhribnimo saacada Muqdisho) Madaxweynaha Puntland, lama oga waxa ay ka wada hadlayaan labada Masuul.
Raysal wasaaruhu wuxuu shalay Madaxweyne Xasan Sheikh ku taageeray khudbadiisii tasoo dad badan iswaydiinayaan sababta uu Raysal wasaaruhu jarka uga tuuray Madaxweynaha.
Iskuusoo duub lama oga go’aanka ay Beesha Caalamka ka qaadaneyso Siyaasada islu murgisan iyadoo wakhtiguna gabaabsi yahay.
Puntlandi.com
Muqdisho