Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Golaha Qurba Joogta Puntland (PDF-World) oo Bayaan kasoo saartay Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya

$
0
0

pdflogosmallwithtext1

Golaha Qurbajoogta Puntland – Puntland Diaspora Forum (PDF) oo ka turjumaysa dareenka dhammaan Qurbajoogta Puntland, waxay aad uga xunyihiin ismariwaaga siyaasadeed ee ku aadan doorashada 2016.

Sida ku cad heshiisyadii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 oo ay kala saxiixdeen dowladda Federaalka iyo maamullada kale ee dalka ka jiray, waxaa la isla go’aamiyay in hab-qaybsiga qabiilka ee 4.5 ku salaysanaa laga guuro kolka ay dhammaato muddada dowaladda hadda jirta, iyo in doorashada August 2016 ay ku salaysnaato doorasho xor ah oo deegaan ku salaysan. Sidaas awgeed waxaa ayaan darro ah:

  • In isla masuuliyiintii saxiixay heshiiskii Garoowe 1 iyo 2 qaar ka mid ahi ay rabaan maanta inay dib ugu celiyaan ummadda Soomaaliyeed nidaam cadaaladda iyo xeerka midna aan ku salaysnayn.
  • Waxaa kaloo ayaan darro ah in Madaxdii dowladda Federaalka  oo laga filayay  inay dadka u sinnaadaan kana taliyaan maslaxadda dalka, ilaaliyaan axdiga qaranka iyo heshiisyada iyo qawaaniinta dalka u deggan ay maanta iyagii hormuud ka yahiin ku tumashada axdigii iyo jebinta heshiisyadii ay dowlada maanta jirta ku timid sida in laga guuro xeer jajabkii dhiigjoojinta looga gonlahaa ee 4.5 kaas oo ah mid aysan dowlad qarniga 21aad jirtaa ku shaqayn karin.
  • Waxaa muuqata in maamulka maanta taladda dalka haya uu garab maray talo-saarashadii “mandate” ama qorshe hawleedkii ahaa in uu dalka ka saaro nidaamka qabaliga ah ee 4.5 ee lagu soocayay xubnaha baarlamaanka, shacabkana u horseedaan doorasho xor ah.   Waxaa muuqata in maamulkani uu ku fashilmay labadaas arrimood, iyagoo aad moodid in ay madaxda dawladdu ku mashquuleen u doodista nidaamka 4.5 si ay ugu suurowdo dib ugu soo noqoshada xukunka dalka.

Sidaa awgeed, Golaha Qurbajoogta Puntland:

§  Wuxuu uga digayaa shacabka Soomaaliyeed inaysan ku kadsoomin nidaamkaan dib u dhaca u horseedaya ummadda Soomaaliyeed kana hor istaagaya baahinta xukunka iyo in la helo dowlad ku timaadda rabitaanka shacabka.

§  Waxaan mas’uuliyiinta nidaamkan riixaya ku waaninaynaa inaysan ummadda Soomaaliyeed u horseedin musiibo iyo khilaaf hor leh, ayna dhowraan axdiga dalka u deggan, ilaaliyaan oo fuliyaana heshiisyadii ay hore u saxiixeen.

§  Waxaan maamulka Puntland iyo maamullada kaleba ku dhiirri gelinaynaa inaysan oggolaan in ummadda Soomaaliyeed lagu fuliyo nidaam aan xal iyo xaq midna ku salaysnayn.

§  Waxaan masuuliyiinta dalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada iyo maamulada kaleba ku waaninaynaa inay muujiyaan xilkasnimo, kana waantooba doonista dantooda gaarka ah oo keli ah, eegaanna danta guud oo ay u dhaarteen, degdegna ay go’aan u cuntami kara ummadda Soomaaliyeed u gaaraan.

§  Waxaan masuuliyiintaa xusuusinaynaa inaysan ummada Soomaaliyeed ka dayicin fursadda shirka lagu wado inuu dabayaaqada Febraayo ka dhaco Turkiya kaas oo ay beesha caalamku diyaar ulatahay Soomaaliya taageero u horseedi karta mustaqbal fiican.

§  Waxaan beesha caalamka ku waaninayaa inay meel uga soo wada jeestaan ciddii khilaaf iyo dib u dhac u horseedaysa ummada Soomaaliyeed iyo ummadda Geeska Afrikaba, kuwaas oo raba inay ku tuntaan axdiga qaranka iyo dhammaan heshiisyadii hore loo wada gaaray ee looga gonlahaa in dalka Soomaaliya looga saaro dhibka looguna horseedo mustaqbal keeni kara sinnaan, caddaalad iyo midnimo waarta.

Puntland Diaspora Forum (PDF) – Media and Public Relations Office
OTTAWA CANADA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles