Tan iyo markii ay Soomaaliland bilaabeen iney iska raafaan dadka Qaxootiga ah ee kasoo jeeda Qoomiyada Oromaha ayaa waxaa sare u kacay Oromada soo galaysa Puntland kuwasoo ka imanaya dhinaca Soomaaliland.
Waa iska caadi markii laba deegaan ama laba Dal oo daris ah mid markuu Dad iska jafo in mid ka kale hadii uusan talaabadaas oo kale uusan qaadin ay soo buux dhaafinayaan dadka lasoo jafay.
Hadaba maalmahaan waxaa Deegaanada Puntland siyaabo kala duwan usoo galayay Qaxootiga Itoobiya ee kasoo qaxaya deegaanada Soomaaliland.
Warbaahinta Puntlandi oo xiriir la sameysay laamaha Amniga Puntland iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland waxaan ogaanay inaysan jirin Wax ka warqab ama Qorshe ah oo ku aadan Qoxootiga kasoo qaxaya Soomaaliland.
Puntlandi.com