Madaxweyne ku Xigeenka Puntland isla markaasna hada ah ku simaha Madaxweynaha oo maalmahaan howlo shaqo ku marayay Gobolka Sool ayaa Magaalada Taleex wuxuu shalay dhagax dhigay *MAshaariic dhowra oo uu ka mid yahay Dhismaha Dugsi sare oo cusub ayna hir galin doonto Dowlada Puntland.
Madaxweyna Xigeenka ayaa horey u furay Ceelal biyood magaalada Taleex, wuxuuna shalay ka qayb galay munaasabado lagu daahfurayay Mashaariic cusub oo Dowladu ka hirgalin doonto Deegaankaas, Duqa degmada Taleex Maxamuud Cali Warsame oo hadalo kooban ka jeediyey Munaasabadaha ayaa uga Mahad celiyey Madaxweynaha booqashadiisa, wuxuuna sheegey in Mashaariicdaan uusan uga Mahadcelineyn waayo waa waajib saaran Dowlada Puntland iney mashaariic keento Taleex ayna gaarsiiso guud ahaan Deegaanada Puntland.