Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BAAQ : – Jaaliyada Puntland ee Waqooyiga Denmark oo taageerey Mawqifka Puntland ee Shirka Madasha Qaran

$
0
0

Ku, Madaxweynaha Dowlada Puntland, md. Cabdiwali Maxamed Cali.
Ku, Mdaxweyne xigeenka Puntland, md. Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar.
Ku, Guddoomiyaha baarlamanka Puntland md. Axmed Cali Xaashi.
Ku .Golaha xukuumada Puntland.
Ku. Golaha Baarlamanka Puntland

Jaaliyada DK

Taageero xoojin go aankii madaxda Dowladda Puntland iyo shacabweynaheda ee ku aadan Mustaqbalka Soomaaliya.

Wadatashi dheer iyo Xog ururin dhex martay Jaaliyada Puntland ee Wqooyiga Denmak waxay si buuxda u taageereen go’aanka ay Dowlada Puntland ku ayidey meel marinta Heshiiskii 2012 ee looga guurayay nidaamka duliga ah ee 4.5.

Jaaliyadu waxay si buuxda u taageeraysaa go’aanka uu Madaxweynaha Puntland Dr, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Ku adkeystay in aan dib loogu noqon Nidaamka 4.5 .

Jaaliyadu waxay wali Xasuusataa 2012 kii Garowe 2 in Puntland ay geed dheer u fuushay in Nidaamkaan laga guuro laakiin Siyaasiyiintii ka socdey Koonfurta markii laga fujin waayay ay Puntland muujisay Dulqaad iyo Soomaalinimo, Puntland way tanaasushay 2012kii, waxaana Xiligaas oo Beesha Caalamku Markhaati ka ahayd, Anaguna aan Markhaati ka ahayn in Puntland laga balan qaadey oo lagu heshiiyey in 2016 aan miiska lasoo saarayn nodaamkaan foosha xun.

Hadaanu nahay Jaaliyada Qurbaha Waxaan Ugu baaqaynaa Dowlada Puntland inaan laga leexan Heshiiskii Garowe 2.

Mudane Madaxweyne waan ka daalnay inaan inaga kaliya Raadino Soomaali, Yaa inaga oo kaliya masuul nooga dhigay Soomaalinimada.

Mudane Madaxweyne Hadaan nahay Shacabka Puntland Dulqaadkii waanaga dhamaadey.

Heshiiskii Garowe 2 Hadii laga leexdo waxaa Xaqiiq ah in Soomaaliya ay ku noqonayso wadadii 4 sano ee lasoo dhaafay.

Md Cabdiwali Maxamed Cali, dowladiisa , isimada, culumada, siyaasiyinta, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo shacabweynaha Puntland waxaa idiinku baaqaynaa in meelcad looga soo wada jeesto sidii 4. 5 loola dagaalamilahaa, waa hiil qaran, waa badbaadin Soomaaliya. QARANKA HALOO HIILIYO.

Xaalada hada taagan iyo Tanaasulkuse waa wax ka burburin Dalka la sii burburinayo iyo taageerid shaqsiyaad aan shacabkooda matalin.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles